Farmaajo oo ka falceliyey isbitaalka loola cararay boqorka Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wuxuu ka falceliyey isbitaalka loola cararay boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdicasiis.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa soo kabasho deg-deg ah iyo caafimaad taam ah u rajeeyay boqorka.

"Waxaan ugu duceynayaa in uu ALLE siiyo soo kabasho deg-deg ah iyo caafimaad dheer," ayuu ku yiri qoraalka oo luuqada Carabiga lagu daabacay.

Inkasta oo aan fahfaahin laga bixin xaaladiisa caafimaad, boqor Salmaan ayaa lagu waramay in laga daaweynayo xanuun dhanka kaadi hayste ah oo bilooyinkii lasoo dhaafay oo dhan uu la daalaadhacayey.

Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa leh xiriir wanaagsan, wallow uu mugdi galay tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo oo khilaafkii Khaliijka dowladiisu sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay, balse ay la safatay Qadar.

Intaas waxaa wehlisa, tan iyo markii la doortay, Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsatay qadiyado badan oo Carbeed, taas oo lagu dhaliilay.

Loolanka biyo-xireenka Nile ee u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ayaa u dambeeyay markii Ururka Jaamacada Carabta ay taageereen Khaahira.

Kahor inta uusan noqon boqor, Salmaan ayaa laba sano iyo bar ahaa dhaxal-suge iyo ra'iisul wasaare ku xigeen laga soo bilaabo June 2012-kii. Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Riyadh ayuu ahaa in ka badan 50-sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM