Farmaajo oo ku wajahan Qadar [Xog ku saabsan Safarkiisa]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa ku wajahan dalka Qadar, xilli xiisad siyaasadeed ay wali ka taagan tahay wadamada Khaliijka.

Wafdiga Farmaajo oo ay ku wehliyaan Lix Wasiir, Xildhibaanno iyo Ganacsato badan ayaa la filayaa inay u ambabaxaan dalka Qadar horaanta Todobaadka soo socda, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Illo ku dhaw Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ee Qadar oo mudo maalmo ah qaadan doonto, ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu gareey meel hoose, wixii ka dambeeyay heshiiskii DP World la gashay Somaliland.

Dowladda Qatar ayaa dhowaan la saxiixatay dowladda Federaalka Soomaaliya mashaariicyo horumarineed oo ku baxaya $200 oo Milyan oo Doollar, kaasoo ka mid ah dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar iyo sidoo kale Muqdisho iyo Afgooye.

Waa Booqashadii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ku tago Qadar tan iyo sanadkii tagey, iyadoo booqashadii tan ka horeysay ay ahayd bishii May, 2017, kadib markii uu martiqaad ka helay Amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM