Farmaajo oo la kulmay mas'uuliyiin uu magacaabidoodu diidanaa

Image
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya natiijadda wadaxaajoodyadan saacadaha badan qaatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga xukuumadda xilgaarsiinta C/llaahi Maxamed Nuur iyo ku-simaha Agaasimaha NISA Bashiir Goobe ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmaya Farmaajo iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka shaqeynaya sidii loo hagaajin lahaa khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay oo fool ka fool ah oo dhex mara Farmaajo iyo wasiirka amniga tan iyo markii madaxweynaha xilka ka degaya uu si adag u diiday magacaabistiisa.

Illaa haatan, ma jirto cid fahfaahin dhameystiran ka bixisay natiijada kulankan marka laga reebo in ay soo baxayaan macluumaadyo kala duwan kuwaasoo soo bandhigaya maxsuulka.

Tafaasiisha oo aysan jirin cid si madax-banaan u xaqiijin karta ayaa muujineysa in Farmaajo uu ogolaadey magacaabida Cabdullaahi Nuur balse dalbadey in loo daayo madaxa NISA.

Farmaajo ayaa horey wuxuu Yaasiin Farey u magacaabay taliyaha hay'adda mukhaabaraadka qaranka. Farey wuxuu horey u ahaa taliyaha hay'adda sirdoonka ee gobolka Banaadir.

"Is-fahamkan wuxuu kamid ahaa qodobaddii ay isla meel-dhigeen Farmaajo iyo Rooble kadib kulankii xalay ku dhexmaray Madaxtooyadda Soomaaliya," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Is-maandhaafka saameynta ku yeeshay doorashada ayaa xoogeystay kadib xil ka qaadistii loogu sameeyay agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin sababo la xiriira kiiska Ikran Tahlil Faarax.

Ikraan oo kamid ahayd saraakiisha NISA ayaa la waayay, taasoo keentay in Farmaajo uu ka gaashaanto dacwad ka dhan ah hogaankii hore ee NISA iyo in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM