Farmaajo oo la sheegay in uu "dalal shisheeye waydiistay muddo kororsi"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli uu sii dhamaanayo muddo xileedka dastuuriga ah, madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu "ka baryayaa" dalal shisheeye in ay kala shaqeeyaan muddo kororsi, sidda uu shaaca ka qaadey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa ku dhaleeceeyay madaxweynaha arrintaas.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa qoraalkiisa soo raaciyey muuqaal uu madaxweynuhu ku dhaliilayo dowladii ka horeysay in ay baadigoobeysay waqti ku darsi, balse looga guuleystay arrintaas.

"Dawlada uu madaxweyne Farmaajo ku doodayo in ay fashilantay, doorasho nabad ah ayey dalka ka qabatay, xilkana si nabad ah ayaa loogu wareejiyey. Maanta oo ay 7 bilood ka harsantahay muddo xileedkii Baarlamaanka, kiisana 9 bil, ayuu madaxweynuhu dalal shisheeye ka baryayaa muddo kororsi, isagoo maciin bidaya brother-ka," ayuu Warsame yiri.

Balse, wasiirkii hore ee Qorsheynta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ma uusan magacaabin wadamadda uu ka dhawaajiyey in Farmaajo uu codsiga u gudbiyey.

Dhanka kale, siyaasiga ayaa cambaareeyay weerarkii ay maanta Al-Shabaab ka fulisay waqoyga Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, marxuum Axmad Muuse Nuur.

"Waxaan canbaaraynayaa weerarka argagexiso ee lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland, Axmad Muuse Nuur iyo ilaaladiisa. Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka Puntland, gaar ahaan ehelada iyo asxaabta guddoomiye Axmad Muuse. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa xoghaya Arrimaha siyaasada Xisbiga Wadajir, saaxibkeey Xildhibaan hore C/ladhiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ay guddoomiyaha walaalo ahaayeen," ayuu kusoo qoray barahiisa bulshadda, maanta oo Axad ah.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu waddo in uu kulmo 27-da bishaan May sanadka 2020 ayaa la rajeynayaa in uu warbixin ka dhageysto guddiga doorashooyinka xilli madaxda dalka ay isku khilaafsan yihiin nooca doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM