Farmaajo oo lagu dhaliilay in uu ka aamusay colaada Guriceel

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa lala xiriiriyey isku day indhaha shacabka looga leexinayo dagaalkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey wuxuu xushumad daro u muujiyey shacabka dhibka uu kasoo gaarey dagaaladii Guriceel, sida uu shaaca ka dhigay sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka qaranka.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uu u furayo dooda dhul boobka si uu indhaha shacabka uga leexiyo xasuuqa ka dhacay magaaladaas.

Sida laga soo xigtey Cabdalla Cabdalla, ku dhowaad 100 qof ayaa ku nafwaayey dagaaladii Guriceel, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo labada dhinac ah.

"Maalin walba Farmaajo wuxuu kusoo celceliyaa musuqmaasuqa dul boobka ayaan la dagaalamaa! Welina wax laga qabtay majirto!," ayuu Jeneraalka daabacay.

Wuxuu ku daray: "Waxaase maanta ayaan darro ah ayadoo 180 ay dhimashada dagaalkii Guriceel Kor u dhaaftay, saraakiil badan Ku dhimatay, shacabkii qaxay iyo dhulka uu ka hadlayo!".

"Waxaan maqli jiray marka Geela loo heeso, ayuu goroyo u heesaa," ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Maamulka Farmaajo ayaa Jeneraal Cabdalla Cabdalla ka saarey liiska hay'adda sirdoonka qaranka.

Jananka ayaa kusoo xiray: "Waa Sheeko mashquulin ah waxa uu Farmaajo meelaha kusoo qorayo, waa ixtiraam, waa qorshe dhibka shacabka soo gaatay indhaha looga duwayo".

Soomaaliya ayaa inta badan waxaa aad u soo bata dhul-boobka mar walba oo ay soo dhawaato doorashadda waxaana talaabooyinka noocaas ah ku kaca mas’uuliyiinta xilgaarsiinta dowladda oo dhaqaal doon ah si kuraasta u difaacdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM