Farmaajo oo magacaabay La-taliyihiisa dhanka Amniga Qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay La-taliyihiisa cusub ee dhinac amniga, xilli dowladda federaalka ay ku howlan tahay guluf colaadeed oo Al Shabaab looga sifeynayo guud ahaan wadanka.

Magacaabista La-taliyahan oo lagu magacaabay Cabdi Saciid M Cali waxaa bartiisa Twitter ku shaaciyay Ergayga QM ee Soomaaliya Michael Keating.

Ma jirto digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo ku aadan magacaabista.

Mas'uulkan ayaa horey ula soo shaqeeyay dowladihii soo maray dalka, sidoo kale waxa uu soo noqday la taliyaha dhinac Siyaasadda Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Africa.

Cabdi Saciid Muuse Cali waxa uu lasoo shaqeeyay oo La-taliye usoo noqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed intii u dhaxaysay 2004 illaa 2005-tii.

Micheal Keating, Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Cabdi Saciid Muuse loo magacaabay La-taliyaha dhinaca amaanka Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka, ayuu Keating ku yiri: Hambalyo Cabdi Saciid, waxaa laguu magacaabay Shaqo adag xilli xasaasi ah, QM iyo beesha caalamka way kula shaqeyn doonaan."

Cabdi waxa uu noqonayaa ta-taliyihii 3aad oo Madaxweyne Farmaajo dhanka amaanka u magacaabo tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii Febaury ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM