Farmaajo oo qiray inuu Musuq-maasuq ka dhex jiro dowladiisa [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qiray in musuq-maasuq uu ka jiro dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay kamid yihiin xubno ku kaca musuq-maasuq, oo aan daacad u ahayn dalka iyo mas’uuliyadda loo dhaariyay, ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

“Waa xaqiiq in aysan amaano jirin, oo dad naga kamid ah ay musuq-maasuq ku kacaan, waa xaqiiq in ay aamin darro na haysato,” ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ma uusan shaacin halka uu musuq-maasuqa ka jiro dowladda dhex-deeda iyo shaqsiyaadka ku kacay, balse waxuu qiray in xubno loo igmaday inay qaranka u adeegaan waxa isdaba marin iyo khiyaano sameynayaan.

Waa markii ugu horeysay oo Farmaajo dabaalka ka qaado inuu musuq-maasuq ka jiro dowladda Federaalka oo mudo hal sano ah jirto, iyadoo aan illaa hadda jirin cid loo xiray musuq-maasuqa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa inta badan sheega inay la dagaalamayaan musuq-maasuq, oo dowladihii ka horeeyay ay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan mudadii ay joogeen.

Warbixin dhawaan ay soo saartay hay’adda Transparency International ayaa lagu sheegay in Soomaaliya wali safka hore uga jirto dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo taasi uguu wacan tahay isla-xisaabtan la’aanta ka jirta dalka.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM