Farmaajo oo safiirka Imaaraadka kala hadlay arrimo muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa Villa Soomaaliya kula yeeshay Safiirka dowladda Imaaraadka u fadhiya Muqdisho, Maxamed Axmed Cismaan Al-Xamaadi.

Kulanka ayay diiradda ku saareen arrimo dhowr ah, oo uu kamid yahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, si looga guul-gaaro iska-kaashiga danaha labada dal, oo xiriir qoto dheer oo taariikhi ah uu u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah, ee ay la garab-taagan yihiin Soomaaliya oo dhinac walba leh, taasi oo ah lama iloobaan.

Safiirka oo dhambaal ayaa Farmaajo gaarsiiyay dhambaal uu uga wadey Madaxa ugu sareysa Imaaraadka, kaasi oo xambaarsanaa balan-qaadyo dhinacyo badan leh iyo inay xoojinayaan xiriirka dowladda Faderaalka.

Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeyay Xiriir ku qotoma dhaqanka, Diinta, Ganacsiga, amniga iyo Siyaasadda, inkastoo ay jiraan isku-dayo xubno katirsan dowladda Federaalka oo doonaya in xiriirka loo jaro UAE.

Markii Khilaafka soo kala dhex-galay dalalka Khaliijka June 5, 2017, dowladda Federaalka waxay qaadatey go'aan dhex-dhexaad ah, si ay u ilaaliso danaha uga xiran labada dhinac, inkastoo mowqifkaasi wali cadaadis kala kulmayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM