Farmaajo oo saraakiil dhalinyaro ah u magacaabay taliyeyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Milatariga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyeha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Dirir ayaa bedelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Aadan, kaasi oo laga dhigay Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga. Odowaa wuxuu noqday sarkaalkii ugu da'da yaraa ee xilkan qabta.

Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

"Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista tayada, tababarka iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida ayaa dhaqan galeysa laga bilaabo maanta oo Khamiis ah 10-ka, Oktoobar 2019".

Magacaabidan ayaa qayb ka ah dib u habeyn lagu sameynayo laamaha ammaanka wixii ka dambeeyay weerarkii lagu ekeeyay xarunta gobolka Banaadir kaasoo ay xoogaga Al-Shabaab dusha saarteen.

Duqii Muqdisho ahaana gudoomiyaha gudoomiyihii gobolka, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku naf-waayey falkaas oo su'aallo badan oo amniga ah dhaliyay.

Haweenay magaceeda lagu sheegay Basiira Cabdi Maxamed ayaa isku qarixay shir ay lahaayeen madaxda gobolka, kaasi oo haatan laamaha ammaanka ay su'aallo waydiinayaa walaalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM