Farmaajo oo telefoonka kula hadlay Geelle iyo amiirka dalka Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Farmaajo ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.

Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.

Dhanka kale, Farmaajo oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

Xukuumadda Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad ugu mashquulsaneyd sidii ay taageero caalami ah uga heli lahayd dalalka caalamka gaar ahaan dhaqaalaha lagu xakameynayo caabuqa.

Dedaaladan ayaa kusoo aadaya xili kiisaska Covid-19 ee gudaha waddanka ay sii marayaan 328 isla markaana dhimashadda ay gaartay 16, lagana cabsi in ay intaasi kasii badato maadaama ay jiraan dadyow badan oo qaba balse aanan u soo gudbin Wasaaradda Caafimaadka. Shacabka waxaa lagu booriyey in ay soo wargeliyaan xaaladooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM