Farmaajo oo waji-gabax kala kulmay digreetadii uu soo saarey
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa waji-gabax kala kulmay wareegtadii uu soo saarey habeenimadii Axadda kuna xanibayey shaqada hay'adaha dowladda.
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo iska-caabiyey "duulaankaas lagu soo qaadey" ayaa ku adkeytay in dastuurka u ogolaanayo in waqtiga kala guurka uu maareeyo shaqooyinka aas-aasiga ah.
Khuburadda ayaa ku macneeyay talaabadda Farmaajo "isku day uu ku doonayey in uu ku carqaladeeyo socdaalka la filayo in uu wasiirka koowaad uu Talaadadda ku tago caasimadda Kenya ee Nairobi".
Mucaaradka ayaa daawanaya khilaafkan huursanaa ugu yaraan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Kulan ay xalay ka yeesheen qadiyadan waxay si weyn taageero ugu muujiyeen madaxa laanta fulinta.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna xubin sare oo ka tirsan Golaha Musharaxiinta, ayaa hoygiisa ku booqdey Rooble kuna bogaadiyey jawaabta uu bixiyey.
Halka Rooble uu helayo taageero badan, dhanka kale Farmaajo ayaa go'aankaas uu qaatay waxay u soo jiideen in ay ugu yaraan 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ku hoorayaan eedeymo iyo dhaleeceymo culus.
Prof Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah falanqeeye siyaasadeed oo tibaaxay in Rooble uu kaliya xusuusiyey Farmaajo in uu howlgab yahay ayaa madaxweynaha xilheyntiisu idlaatay "ka shaqeynta danahiisa shaqsiga".
"Markii uu xiriirka u jarayey Kenya kuma dhisneyn wax caqliyad ah. Haddana wuxuu ka shaqeynayaan dantiisa gaarka ah. Waxaaba la tuhunsan yahay in ay meesha ku jiraan drug dealers," ayuu intaasi raaciyey.
Garowe Online ayaa fahansan in dagaalka ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble uu xudun u yahay loolanka ka ganacsiga Jaadka ee u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya kaasoo u muuqda mid jiheynaya siyaasada dalka.
Villa Soomaaliya ayaa iyaddoo cuskaneysa Covid19 waxay u mamnuucdey Jaadka Kenya. Balse, waxaa go'aankaas ku hoos qarsoonaa in suuq loo sameeyo Jaadka Itoobiya oo qoyska Farmaajo ay heshiis kusoo qaateen.
Sikastaba ha ahaatee, khilaafka xukuumadda iyo madaxtooyadda ayaa saameyn ku yeelan kara guud ahaan doorashooyinka si gaar ahna waxay daahin karaa soo xulista mudaneyaasha cusub iyo dib-u-dhac jadwalka ah.
GAROWE ONLINE