Rooble oo ganafka ku dhuftay wareegtadii xayiraada Farmaajo

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ku adkeystay in dastuurka uu xukuumada siinayo awoodaha fulinta. [Photo: OPM Somali]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo qoraal soo saarey ayaa ku gacan-seyray digreetaddii madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo kuna adkeystay in dastuurka "uu siinayo xukuumadda awooda fulinta" farayna hay'adaha dowlada "in ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda".

Wareegtadda Farmaajo oo timid iyaddoo wasiirka koowaad uu kusii jeedo caasimada Kenya ee Nairobi ayaa ka mamnuuceysay hay'adaha dowladda in ay galaan nooc kasta oo heshiis ah ama is-afgarad. Talaabadan waxay imaanaysaa iyaddoo ay jiraan warar sheegayey in xukuumadda ay galeyso heshiis ganacsi.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka," ayaa lagu yiri warka qoraalka.

Booqashadda Rooble ee Nairobi ayaa la filayaa in ay bilaabato Talaadada todobaadkan. Wafdi horudhac u ah socdaalkiisa waxay ku sugan yihiin caasimada Kenya. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in qodobada laga hadlayo ay kamid tahay soo celinta xiriirka ganacsiga iyo xayiraad ka qaadida Jaadka.

"Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah," ayaa la raaciyey bayaanka.

Warsidaha GO ayaa sidoo kale wuxuu fahansan yahay in bayaanka Farmaajo uu salka ku hayo difaacida danaha gaarka ah ee xubno ka tirsan qoyskiisa ku qabaan Jaadka ka yimaada Itoobiya kaasoo ay malaayiin doolar ka sameeyaan.

"Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Ra'iisul-Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda," ayuu ku daray war-saxaafadeedka.

GO ayaa horey u baahiyey in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu cirka isku sii shareeray markii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu shaqadda ka eryay saraakiil sar-sarre kana tirsaneyd hay'adda NISA isla markaana uu go'aan ku gaarey in uu bixiyo, Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha ahna gacanka koowaad ee Farmaajo.

"Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha," ayaa lagu soo xiray war-saxaafadeedka.

Khilaafka soo shaac-baxay ee Farmaajo iyo Rooble kaasoo muddo huursanaa ayaa dharbaaxo weyn wuxuu ku noqon karaa qorshaha Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku aadan doorashooyinka waddanka ka bilowday oo ay doonayeen in ay noqoto mid natiijadda kasoo baxeysa ay ka qosliso "ayaga oo boobaya kuraasta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM