Farmaajo oo Wiil 17 jir ah ku casuumey Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa marti-qaadi u u fidiyay Axmed Burhan Maxamed, oo ah Soomaali-Mareykan ku guuleysta tartanka Qur'aan akhriska Ramadan-kii ka dhacay dalka Imaaraadka.

Axmed Burhan, oo 17 jir ah ayaa lagu wadaa in isago iyo aabihii ay Muqdisho yimaado todobaadka soo aadan, si uu ula kulmo Madaxweyne Farmaajo, oo doonaya inuu hambalyo ku aadan guushiisa tartanka dhankiisa u gudoonsiiyo.

Axmed oo Soomaali-American ah ayaa u tartamay dalka Mareykanka, isagoo kusoo baxay tartanka caalamiga ah, oo ay kasoo qeybgaleen in ka badan 100 dal, wuxuuna abaalmarin ahaan u helay 68,000 kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Axmed Burhan, oo deegaan ahaan Mareykanka uga nool gobolka Minnesota, ayaa guushiisa noqotay mid si aad ah loogu wada farxay, maadaama uu yahay wiil asal ahaan Soomaali ah.

Gobolka Minnesota, ayaa ah halka ugu badan ee ay Soomaalida ku nool yihiin, kuwaasoo qaab qaxooti ahaan ku galay dalkaasi, kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, oo dalkuna dagaal sokeeye ka billowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM