Farmaajo oo xalay la kulmay Guddiga Amniga Qaranka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay casho sharaf soodhaweyn ah Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka.

Xafladdan oo lagu soo beegamay ka hor furitaanka shirka amniga dalka looga hadlayo ee ka furmaya caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa goob joog ka ahaa; Ra'isal wasaaraha, ku-xigeenkiisa, xubno katirsan golaha xukuumadda, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaano, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo taliyaasha ciidamada.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii looga shaqayn lahaa hagaajinta nabadgalyada dalka Soomaaliya iyo qaabka dowladda dhexe u wajahayso.

Wararka kulankaas laga helayo ayaa sidoo kale xusaya in diiradda lagu saaray qaabkii madaxda maamullada iyo dowladda Federaalka isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka cadowga gudaha islamarkaana loo yagleeli lahaa ciidamo AMISOM, kala wareega ammaanka dalka.

Cashadan ayaa sidoo kale soo dhaweyn u ahayd kulan maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasoo la filayo in lagu lafo guro arrimo kala duwan oo dhammaantood khuseeya nabad galyada iyo xasiloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM