Finland oo talaabo u qaadey adkeynta xiriirka Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Finland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya, Pirkka Tapiola.

Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi.

Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Ugu dambayn, Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM