Firdiye" Doorashada PL qeyb ka noqon mayno".

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali"Firdhiye" oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa la weydiiyay su'aalo la xiriira Puntland.

Firdhiye ayaa sheegay in Doorashada qof iyo cod ee Puntland aanay SSC-Khaatumo u diyaarsanayn hadii ay noqoto xulidii Isimadana aanay golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo aanay soo xuli doonin xildhibaanada.

Go'aanka ayaa u muuqda mid hadal heyn ka dhaliyay baraha bulshada balse bilawgii bishii labaad ee February ee sanadkaan, Isimada SSC-Khaatumo ayaa kasoo saaray shirkii Aayo ka tashiga in ay qaateen maamul madax banaan oo hoos tagga dowlada federaalka Soomaaliya.

Hadalka Firdhiye ayaa kusoo aadaya iyada oo ay bilooyin dhawr ah ka dhiman yihiin wakhtiga Dastuuriga ah ee Doorashada Puntland oo shantii sano-ba la qabto 08-da bisha koowaad ee January.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM