Fly Dubai oo ku dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadii Muqdisho

Image
Shirkadan Diyaaradeed ayaa waxaa iska leh dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadaha Diyaaradaha Fly Dubai ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah waxa ay ugu dhawaaqdey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtey Muqdisho.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay shirkaddan ayaa waxaa hoosta looga xariiqay in ay go'aankan uu salka ku hayo arrimo dhanka farsamadda ah wallow aysan si dhab ah uga faalloon sababaha keenay joojintan.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho taageeradii ay noo fidiyeen sanadkii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaqiijinta shirkadda Fly Dubai ee ku aadan in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtey Muqdisho ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu si weyn hoos ugu dhacay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM