​Gaafow oo joojinaya duulimaadyada Hargaysa

Image

MUQDISHU-Taliyaha laanta socdaalka Somalia Cabdullaahi Maxamud Gaafow ayaa ka hadlay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa kaasoo qaab KMG ah loogu joojinayo dulimaadyada diyaaradaha isaga kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdishu. 

Gaafow oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga VOA ayaa ka hadlay sababaha keenay arrinta xilli maamulka Somaliland iyo dowladda Federalka dhexyaalo khilaaf siyaasadeed, wuxuuna sheegay in tallaabadan timi kadib markii qaab sharci darro ah loo maalay duulimaadyada labada magaalo, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Somaliland in dadka ku khasbayaan goosashada waraaqo dal ku gal ah, isla markaana lacago badan laga qaado. 

Taliyaha ayaa tilmaamay in arrintaas darteed la kulmeen shirkadaha duulimaadyada islamarkaana kala hadleen qaabkan uu dhaliilay, waxayna ku wargaliyeen in nidaamkaas dajisatay Somaliland kuna wargaliyeen inaysan u ollin dowladda Somalia. 

Qoralkan kasoo baxay xafiiks Gaafow ayaa qeexaya in 21 cisho ku joojiyaan duulimaadyada, taasoo ka bilaabameysa 22-ka bishan Febraayo, waxaana laanta socdaalka Somalia tibaaxday in qorshahan ku raadinayaan xal laga gaaro saluuga socdaaleed ee maamulkaas. 

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli warbaahinta iska eedeeyeen General Gaafow iyo wasiirka Arrimaha Gudaha maamulkaas Cali Waran-cadde, iyagoo isku dhaliilay qorshayaal la xiriira socdaalka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM