Gaari walxaha qarxa laga buuxiyay oo Muqdishu lagu qabtay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada ammaanka dalka Somalia, ayaa maanta magalada Muqdishu xarunta ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasi oo marayay illinka hore guriga hooyooyinka magaaladaasi.

Gariga ayaa ciidamada hay'adda Nabad Sugidda ee NISA, waxay kusoo wargaliyay shacabka magalada, waxaana iyagoo xogtaasi adeegsanaya u suura gashay in la qabto ka hor intuusan oofin qorshihii loogu talagalay.

Walxaha qarxa ayaa lagu qariyay qaybta dambe gaariga oo nooca raaxada ah., waxaana laamaha ammaanku ku fur-fureen goobtii lagu qabtay.

Arrintan ayaa timi xilli dhawaan la fashilayay gaari sidaan oo kale laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana falkaasi lagu eedeeyay kooxda Shabaab oo la sheegay inay damac sanaayeen dhibaataynta shacab Somaliyeed.

Amniga Muqdishu, ayaa wali ahayn mid sugan, shalay ayayna ahayd markii hoobiyaal lagu garaacay xarunta Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM