Gacan-yariyaasha Farmaajo iyo Khayre oo xilal sare loo magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo kamid ah dhalinyarada Gacan-yariyaasha u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilal sare loogu magacaabay maamulka cusub ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa kadib markii lakala diray maamulkii hore Thaabit Cabdi Maxamed.

Liiska cusub waxaa kasoo muuqday labo dhalinyaro ah oo ka kala tirsanaa Xafiisyada Farmaajo iyo Khayre, kuwaasi oo loo magacaabay ku xigeenada Eng Yariisow, Gudoomiyaha cusub ee gobolka.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Maxamed Tuulah], oo ahaa Hab-maamuuska Madaxweyne Farmaajo, kana tairsanaa Kooxdii Ololaha Doorashadiisa ayaa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir.

Cumar Cabdirisaaq Xuseen, oo isna ahaa Xogheynta gaarka ee Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, isagoo badelay Zubeyda Mukhtaar.

Waxaa sidoo kale Madaxaweynahu magacaabay;

Basma Cumar Axmed, oo laga dhigay ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada iyo wacyi-gelinta,

Xuseen Maxamed Nuur, oo loo magacaabay ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda,

Aadan Sheekh Cali Fiidow, oo loo magacaabay ku xigeenka dhinaca howlaha guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM