Gacanyarihii hogaamiyaha “AS” oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Waxaa si xawli ah usii yaraanaya awooda kooxda “AS” ee Koonfurta gobolka Mudug.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga u taxaabay horjooge ka tirsan kooxda “AS” oo lagu magacaabo Muxiyidiin Cabdul Salaam Maxamuud (Muxiudiin Dhaqare).

Muxiudiin ayaa sidoo kale ka mid ahaa gacanyareyaashii hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye. Wuxuuna horay falal amni darro ka gaystay Gobollada Bay, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kooban ay soo saartay Hay’adda NISA.

Dhaqare ayaa lagu warramaya in uu booqasho dhuumaaleysi ah ku joogay guri uu waalidkiisa ku lahaa magaalada Muqdisho, ka dib waxaa howlgal gaar ah ku soo qabtay Ciidamada amaanka.

Dhaqare ayaa 15 Sano ka hor kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Xarardheere, isaga oo si aad looga yaqaanay deegnada dhaca Koonfurta dalka siiba kuwa ay ka taliyaan “AS”.

Waxaa si xawli ah usii yaraanaya awooda kooxda “AS” ee Koonfurta gobolka Mudug, iyadoo howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ay ka socdaan deegaanada ay kooxdaasi maamusho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM