Gacanyarihii hogaamiyaha “AS” oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Waxaa si xawli ah usii yaraanaya awooda kooxda “AS” ee Koonfurta gobolka Mudug.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga u taxaabay horjooge ka tirsan kooxda “AS” oo lagu magacaabo Muxiyidiin Cabdul Salaam Maxamuud (Muxiudiin Dhaqare).

Muxiudiin ayaa sidoo kale ka mid ahaa gacanyareyaashii hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye. Wuxuuna horay falal amni darro ka gaystay Gobollada Bay, Galgaduud, Mudug iyo Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay qoraal kooban ay soo saartay Hay’adda NISA.

Dhaqare ayaa lagu warramaya in uu booqasho dhuumaaleysi ah ku joogay guri uu waalidkiisa ku lahaa magaalada Muqdisho, ka dib waxaa howlgal gaar ah ku soo qabtay Ciidamada amaanka.

Dhaqare ayaa 15 Sano ka hor kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmada Xarardheere, isaga oo si aad looga yaqaanay deegnada dhaca Koonfurta dalka siiba kuwa ay ka taliyaan “AS”.

Waxaa si xawli ah usii yaraanaya awooda kooxda “AS” ee Koonfurta gobolka Mudug, iyadoo howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ay ka socdaan deegaanada ay kooxdaasi maamusho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM