Galaha amaanka oo ka dalbadey Barlamanka Somalia ansaxinta sharciga doorashada

Image

NEW YORK- Golaha amaanka qaramada midoobey oo warsaxafdeed kasoo saarey arimaha dalka Somalia 22 April,2016  ayaa wel wel ka muujiyey xaalada amaan ee dalkaas, iyagoo ku baaqey in hurumar laga gaaro dib u eegista Dasturka, iyo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada.

Warsaxafdeedkaan oo soo baxey kadib markii golaha amaanka dhageysteen warbixintii asbuucaan bilowgiisa madaxweynaha dowlada Federaalka iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ka jeediyeen New York ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in doorashooyin ku dhaca nabadgelyo islamarkaana ah kuwo ka madax banaan musuqmaasuq iyo is-dabamarin saldhig u noqon kaaraan Somaliyada cusub marka la gaaro sanadka 2020.

Shan iyo Tobanka xubnood ee golaha amaanka ayaa qoraalkaan ku sheegey in aysan jirin waqti kordhin loo sameyn karo qaybaha kala duwan ee dowlada Federaalka ka kooban tahay iyadoo loo bahan yahay si niyad wanaag ah kuwada shaqeeyaan dowlada Dhexe iyo dowladaha qaybta ka ah Federaalka.

Dhinaca kale golaha amaanka ayaa amaan u soo jeediyay madaxweynaha Somalia hurumarkii uu ka sameeyey dhinaca siyaasada afartii sano ee la soo dhaafey iyo qaabka doorasho ee 2016 kadib markii is-afgarad dhexmarey maamulada Somalia taasoo saldhig u noqon karta in qof walba codkiisa ku doorto madaxda Somalia marka la gaaro sanadka 2020.

Qoraalka golaha amaanka qaramada midoobey ayaa intaas ku darey iney muhiim tahay in 30% kuraasta aqalka hoose iyo sare loo qoondeeyo haweenka Somaliyeed isagoo deg deg uga dalbadey Barlamanka Somalia inuu ansaxiyo qaabka doorashada Somalia loo marayo dabayaqada sanadkaan 2016.

Ugu dambeyntii golaha amaanka ayaa cambareyn u soo jeediyey weerarada ururka Al- shabaab la beegsadaan ciidamada AMISOM, SNA iyo dhinacyada kale ee Somalida iyagoo cambaareyn u jeediyey in caruurta loo isticmaalo askar.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM