Maxaa kusoo kordhay dagaalka degmada Guriceel?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka magaaladda Guriceel ka billowday Maanta, kaasoo u dhaxeeya Ciidamo katirsan kuwa dowladda oo kaabaya askarta Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Gudoomiyahii horey looga saarey degmada Anas Cabdi ayaa u sheegay Radio Muqdisho in lala wareegay Guriceel, iyadoo aysan Ciidanka la kulmin wax iska caabin ah kadib markii sida uu sheegay Ahlu Sunna ka baxday.

Dhanka kale, illo madaxbanaan ayaa sheegay in magaaladda wali ay joogaan dagaalyahanada Ahlu Sunna, islamarkaana ay fadhiyaan Ciidanka duleedka degmada, waxaana jirta xaalad cabsi ah inuu dib u billowdo dagaal kale.

UNOCHA ayaa sheegtay in dad badan oo shacab ah oo lagu qiyaasay 100,440 qof ay ka barakaceen magaaladda maalihii ugu dambeeyay, waxayna dhibaato bini'aadanimo ku haysataa tuulooyinkii ay tagaan oo horey abaar uga jirtay.

Galmudug ayaa lugaha la gashay dagaal, kaasoo saameyn kara doorashadda Gollaha Shacabka ee lagu wada inay dhawaan dalka ka billaabato, iyadoo xaaladda hadda taagan ay keeni karto in Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb lagu qaban waayo.

Ahlu Sunna oo mudoo ku dhaw labo sano ka maqnayn Galmudug ayaa soo laabashadeeda kusoo beegtay xili doorasho, iyagoo la sheegay inay raadinayaan kuraas baarlamaan, waxayna ku gorgortamayaan magaalooyinka ay haystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM