Galmudug oo dhameystiraysa doorashada Aqalka Sare
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaarie ayaa daabacay liiska xubnaha Musharixiinta u tartami doona laba kursi oo ka harsanaa xubnaha Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ku meteli doona maamul goboleedkaas.
Doorashadda xubnaha Galmudug uga haray xulista wakiiladda afarta sano ee soo aadan ku meteli doona Aqalka Sare baarlamaanka 11aad ayaa la dooranayaa 13-ka November, Sabtida asbuuca dambe, sida uu shaaicyey guddiga maamulaya coddeynta.
"Waxaan caawa soo saarnay liiska xubnihii ka dhimanaa Musharixiinta u tartami doona golaha aqalka sare ee BFS. Illaah baa mahad leh," ayuu Qoorqoor ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.
Kursiga koowaad waxaa ku tartami doona Cabdi Qaydiid kaasoo loo xiray kursiga waxaana tartanka laga reebay Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], madaxweynihii hore ee Galmudug kaasoo haatan u ordaya kursi xubinimo Aqalka Hoose dalka ah.
Hoos ka akhriso qoraalka
GAROWE ONLINE