Galmudug oo heshiis kala dhex dhigtay beelihii ku diriray Galgaduud

Image
Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaannada lagu dagaalamay.

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno ka tirsan waqooyiga Gobolka Galgaduud, kuwaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ood wadaag ahaa.

Madaxweynaha oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhexmarta.

Bilowga gogosha nabadeed ayaa la isla qaatay sedax qodob oo Kala ah;

1: In xabad joojinta la isla qaatay la dhaqangeliyo , iyo sidoo kalena lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka.

2: In la kala qaado maleeshiyaadka.

3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo la dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM