Galmudug oo ka jawaabtay eedeymo ay jeediyeen maamulka DDS

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Maamulka Galmudug ayaa maanta ka jawaabay eedeymo kulul oo uga yimid Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhoow ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Galmudug oo u dhaqaaqay dhanka Itoobiya, kadib dagaal shalay ka dhacay agagaarka degmada Shilaabo ee gobolka Qorraxey ee dowlad deegaanka.

Wasiirka oo ka jawaabay hadlo ka soo yeeray DDS ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo dhex maray labada maamul kuna saabsan dhacdadan.

Sidoo kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in marwalba ay diyaar u yihiin dhaxdhaxaadinta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo dhanka Galmudug ka yimid ayaa ka gudbay xuduuda, iyagoo halkaas ka kiciyay dagaal ay ku dhinteen 12 qof.

Maamulka DDS ayaa sheegay in ay ka xun yihiin falkaas, iyaga oo xusay in ay ku taageereen Galmudug dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ iyo in aysan ka fileyn tallaabadan.

Maamulka ayaa sidoo kale cadeeyay in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka muhiimka u ah sugida amniga xuduudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM