​Galmudug oo soo afjartay dagaalka firxadka Shabaab

Image

Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay soo afjareen dagaalka dhawr maalin qaatay oo ay la galeen mallayshiyaad firxad ah oo dhawaan kasoo cararay dagaal kharaar oo ay la galeen ciidamada difaaca Puntland.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi ku guulaysteen islamarkaana deegaanada Bariga maamulkaasi dhaca ka sifeeyeen haraadiga kooxdaasi katirsan Shabaab.

Guuleed oo la hadlay VOA, wuxuu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 115 ruux islamarkaana tiro gaaraysa 110 qof maxbuus ahaan usoo qabteen, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay hadda ku raad joogaan kooxo yar oo baadiyaha ku dhuumaalaysanaysa.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in dhankooda ka dhintay hal Sarkaal, dhaawucuna gaarayo ilaa 7 askari.

Mallayshiyaadka ay dagaalka la galeen ayuu sheegay in ujeedkoodu yahay qaabkii loo carqaladayn lahaa ammaanka ay haystaan maamullada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ciidamada deegaanadooda soo gaaray ku qiyaasay ilaa 300 oo askari kuwaasi oo da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 40, isagoo sheegay inay marsiin doonaan sharciga.

Maamulka Puntland ayuu tilmaamay in arrimahan ku aadan Shabaab xiriir wanaagsan yeesheen, wuxuuna xusay in kooxahani u naxariisanayn umadda Somaliyeed.

Galmudug, ayaa dagaalkan gashay kadib markii deegaanada maamulkaasi galeen haraadiga koox katirsan Shabaab oo doonyo kusoo galay Puntland, kuwaasi oo la kulmay weeraro kharaar oo ka dhacay Nugal iyo Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM