Qoor-Qoor oo shir jaraa'id ka qabanaya dagaalka Guriceel

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dagaalka Guriceel.

Wariyeyaasha gudaha ayaa saakay loogu yeeray Madaxtooyadda Galmudug, Magaaladda Dhuusamareeb, iyadoo lagu lagu casuumey shirka jaraa'id.

Qoor-Qoor ayaa horey u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan Ahlu Sunna, isagoo amaray in lagu duulo Guriceel, si gacanta maamulkiisa loogu soo celiyo.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa gudaha u galay Sabtidii magaaladda Guriceel, waxayna dagaal la galeen xoogaga Ahlu Sunna.

Inta la ogyahay 120 qof ayaa lagu dilay dagaalka Guriceel, kaasoo galay maalintii 4aad, waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin xaafadaha.

Qoor-Qoor lama oga waxa uu ka dhihi doono, laakiin wasiirkiisa warfaafinta ayaa dhawaan sheegay in ay la wareeegeen Guriceel, islamarkaana laga saarey Ahlu Sunna.

Galmudug ayaa gashay xaalad dagaal xili dalka doorashada Gollaha Shacabka qabanayo dhawaan, waxaana laga cavsi qabaa inuu yimaado dib u dhac kale, taasoo mugdi sii gelinaysa mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM