Ganacsade caan ah oo lagu toogtay magaalada Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga naxday dil loo geystay ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray Xasan Xaaji Daahir (Xasan Nayjeeriya). Goob-joogayaal ku sugan magaalada ayaa xaqiijiyay in Xasan ay toogteen koox hubeysan wax yar kadib markii uu kasoo baxay goobtiisa shaqo.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka marxuumka, iyadoo kooxihii dilka geystay aan la aqoonsan heybtooda, waxaana u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan, halka maamulka magaalada uu baaritaan ka bilaabay dhacdadan.

Ganacsadaha dhintay ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaanay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka sameeyay ganacsi balaaran oo guuleystay.

Xasan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dib u dayactirka biyo xireenka Kaliga waraaboolle ee ku yaala magaalada Baladweyne. Si kastaba ha ahaatee, magaalada ayaa waxaa maalmahan ku sii badanaya dilalka iyo weerarada ay geysanayaan kooxo aan la garaneyn.

Bulshada magaalada Beledweyne ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada marxuumka iyaga oo ka codsaday hey’adaha amaanka inay soo daadajiyaan natiijada baarista si loo ogaado kooxda ka dambeysay dilkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM