Ganacsatada Canshuurta siisa Al-Shabaab oo loo digay [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin cusub oo Ganacsatada Muqdisho looga digayo inay lacagaha canshuurta ah u diraan Al Shabaab.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay maanta maagaalada Muqdisho, Afhayeenka Wasaaradda Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo inay lacag u dirtay Al Shabaab lasoo taagi doono Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida.

Wuxuu digniin u jeediyay Shirkaddaha iyo xaruumaha Ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla Muqdisho inay u hogaansamaan amarada Al Shabaab ee ah inay bixiyaan lacagaha canshuurta.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda amniga aysan u dulqaadan doonin in amarka Al Shabaab uu ka shaqeeyo Muqdisho, iyadoo amaanka Caasimadda ay gacanta ku hayso dowladda Federaalka.

"Marna ma ahan wax aan aqbali karno, iyadoo amaanka Muqdisho ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, hadana Ganasatada ay u hogaansamaan hanjabaadaha ay usoo dirayaan Malleeshiyada Al Shabaab," ayuu yiri Afhayeenka.

Cabdicasiis Xildhibaana ayaa xusay inuu socdo baaritaan oo ay gacanta ku hayaan liiska Ganacsato lacag siisa Al-Shabaab, isagoo dhanka kale digniin u jeediyay Mulkiiliyaasha Garoomada Sallaxa ah ee lagu ciyaaro Kubadda cagta ee Muqdisho inay u hogaansamaan amarka Al Shabaab ee ah inay xiraan.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Afhayeenka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM