Ganacsatada oo looga digay in ay ka faa'iideystaan saameynta COVID19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib markii uu xoogeystay walaaca ka imaanaya bulshadda, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ganacsadda kaga digtay in ay faa'iido ka goobaan saameynta Coronavirus.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa taas bedelkeeda ku booriyey in ay hoos-u-dhigaan "qiimaha qalabka muhiimka ah".

Isagoo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta, Mr Xasan ayaa si gaar ah carabka ugu adkeeyay qalabka looga gaashaanto caabuqaas sida deg-dega ah u faafa.

Xukuumadda ayuu tilmaamay in ay diyaar-garow ugu jirto siddii ay uga hortaggi lahayd saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta xanuunkaas.

Ganacsatadda ayuu cod dheer ugu booriyey in ay waajib ka saaran tahay daryeelka bulshadda "xiliyadda ay dhibaatooyinka yimaadaan".

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ah ay warisay in sarre-u-kac uu ku yimid qaar kamid ah qalabka loo gaashaanto cudurka sidda maaskarada afka lagu xirto.

Xanuunka COVID—19 oo illaa iyo haatan hal kiis laga xaqiijiyey Muqdisho ayaa hoos-u-dhac weyn ku keenay dhaqaalaha suuqyadda caalamka.

Doodda ugu xooga badan ee ganacsadu soo bandhigayaan ayaa ah in ay waayeen macaamiil, maadaama dalalka laga helay fayruska ay qaarkood ku amreen dadweynha in ay mudd maalmo ah ku negaadaan guriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM