Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo maanta xiran [Akhri sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Axad ah aan shaqeyneynin Ganacsigii Suuqa Baraakaha ee magaalada Muqdisho, xilli Ganacsatada ay sheegeen inay ka cabanayaan canshuuro xad-dhaaf ah oo lagu soo rogay.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Ganacsatada Suuqa ayay ku sheegeen iney shaqo joojinta u sameeyeen canshuur xad-dhaaf ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay saartay alaabta uga soo degta Dekeda Muqdisho.

Waxay tilmaameen in illaa wax laga bedelayo go'aanka Wasaaradda Maaliyadda ee kordhinta Canshuuraha aysan shaqeyn doonin, islamarkaana uu sii xirnaan doono Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa sheegay in alaabta uga soo dagtay Dekedda ay taallo muddo ka badan 12 cisho, sababo la xiriira canshuurta la kordhiyay, taasoo hadii ay bixiyaan khasaaro kala kulmayaan.

“Waxaan go'aansanay inaan xirno goobaha Ganacsiga, waayo faa’ido iska daayee khasaare ayaa naga soo gaaraya, annaga canshuur diid ma nihin” sidaasi waxaa Warbaahinta u sheegay Ganacsade.

Xirnaanshaha Suuqa ayaa saameyn ku yeelanaya dadka Muruq-maalka ah, ee xoogooda uga shaqeysta kuwaasi oo hadii goobaha Ganacsiga xiran yihiin ay waynayaan nolal-maalmoodkoodii.

Ganacsatada ayaa shaqo joojinta ku dhawaaqay kadib markii ay fashilmeen kulamo kala duwan oo Ganacsatada gobolka Banaadir ay la yeesheen xukuumadda Kheyre, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Beyle oo Todobaadkii tagey Shir Jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Canshuurta laga qaado Ganacsiga kasoo daga Dekedda ay tahay mida ugu yar ee laga qaado Dekedaha caalamka, isagoo intaasi ku daray in ay 3 casnhuur ay kusoo koobeen 11 casnhuur oo kala duwan oo horey loo qaadi jiray.

Hoos ka Daawo Xaaladda Suuqa:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM