Garsoorayaasha G\Banaadir oo eedeymo culus u jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Image
Garsoorayaasha ayaa soo jeediyay in Wasaaradda Cadaalaadu Maamusho Shaqaalaha Garsoorka,

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoorayaasha Heerarka kala duwan ee Maxkamadaha G/Banaadir oo war-murtiyeed soo saaray ayaa si adag uga hadlay waxa ay ku tilmaameen xadgudubiyo uu ku kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.

Warmurtiyeed-ka ayaa lagu yiri, “Waa in lagula Xisaabtamaa Gudoomiyaha Awoodaha iyo Amarada Sharci darada ah, looguna Xadgubay Xuquuqda iyo Xasaanadda Xubanaha Garsoorka”.

Xubnaha Maxkadmaadda Gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo farageliyo isfaham waagan curyaamiyay Shaqada Maxkamadaha, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waa in Baaris Hanti-dhowr oo madaxbanaan lagu sameeyo Dakhliga iyo Qarashaadka Maxkamadaha iyo Gudashada Shaqadooda Sanadkii ugu Dambeeyey ugu yaraan.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Garsoorayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyay in Wasaaradda Cadaalaadu Maamusho Shaqaalaha Garsoorka, inta laga soo dhisayo Golaha Adeega Garsoorka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM