Geedi: Muqdisho cid marti ku ah ama loo yahay majirto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cusub ee kusoo korartay siyaasadda dalka, gaar ahaan sida uu sheegey shirshoollada loo maleegayo dowladda.

Muuqaalka uu iska soo duubay ayuu Cali Maxamed Geedi ku sheegay in aysan jirin cid marti ku ah Muqdisho ama loo yahay, isagoo uga digay Siyaasiyiinta inay kala qeybiyaan shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan arkay siyaasiyiin fara badan oo ku hadaaqaya waa lakala leeyahay iyo marti baa lagu yahay, Muqdisho cid marti loo yahay ma jirto, cid marti ahna ma jirto," ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Siyaasigan oo mudooyinkii dambe ka agdhawaa Madaxweyne Farmaajo ayaa difaacay dowladda Federaalka, isagoo ku amaanay inay horumar wanaagsan sameysay mudadii 10-kii bilood ee jirtay.

Hadalka Cali Maxamed Geedi ayaa u muuqday mid jawaab u ah hadal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur sheegey kasoo ahaa in magaalada Caasimadda ah lakala leeyahay oo ay jiraan dad marti ku ah.

CC Shakuur oo ka hadlayay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan gobolka Banaadir ay sharciga wax ku raadiyaan, halka kuwa martida ahna ay xoog wax ku raadiyaan.

"Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ay xoog wax ku raadinayaan," ayuu yiri Cabdishakuur oo Khamiistii la soo dhhafey xabsi laga soo daayay.

GAROWE ONLINE

 
 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM