Geelle oo Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi ku kulansiiyey Jabuuti

Image
Xafiisyadda warfaafinta hogaamiyeyaashan waxay kulankan ku macneeyeen sii ambada-qaadida wadahalada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa Khamiista maanta ah mar kale waxa ay dib uga bilowdeen Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qeyb galay kulan lagu sii amba-qaadayo Wadahadalladan, sidda ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Mar sii horeysay oo maanta ah, Madaxtooyadda Somaliland ayaa dhankeeda waxa ay caddeysay in kulankan uu qeyb yahay mid horey loogu sii dhaqaajinayo wadaxaajoodyadda.

Dhankeeda, Madaxtooyadda Jabuuti ayaa waxa ay faafisay in Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uu martigeliyay labada hogaamiye isla markaana uu ka shaqeynayo ka guul-gaarida wadaxaajoodyada.

Wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa ay soo socdeen in ka badan tobankii sano lasoo dhaafay hase ahaatee ma jirin wax natiijo muuqda ah oo kasoo baxay isku-dayadaas.

Somaliland ayaa waxa ay 1991-dii sheegatay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya hase ahaatee ma jirin aqoonsi ay ka heshay caalamka marka laga reebo in loo ogolaadey mucaawino xadidan.

Inta badan, dowladaha caalamka ayaa waxa ay Somaliland u aqoonsan yihiin maamul hoostaga dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho halkaas oo loo mariyo deeqaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM