​Go'aamo laga soo saaray sugidda amniga Somalia

Image

MUQDISHU-Golaha Barlamanka dowladda Somalia, ayaa soo saaray go'aamo ka kooban 15 qodob oo looga hadlay qaabka amniga dalka lagu sugi karo kadib markii kulan su'aalo iyo kala warqaadasho ahaa la yeesheen Ra'isal wasaare Sharmake, wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugidda.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo warbaahinta u aqrinayay go'aamada ay gaareen ayaa sheegey in xukuumadda xil ka saarantahay qaabkii loo xaqsiin lahaa ciidamada amniga dalka Suga, isagoo xusay in laamaha amniga farayaan in shacabka u cadeeyaan cinwaano la heli karo oo lala soo xiriiro xilliyada xaalado jiraan.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale qoraalka ku codsaday in lakala cadeeyo waajibaadka shaqo ee maxkamadaha dalka gaar ahaan kuwa ciidanka iyo madaniga, waxaana maxkamadaha ciidanka laga mamnuucay inay xukmiyaan shacabka.

Waxay sidoo kale ka dalbadeen xukuumadda in kalfadhiga sidaad keento siyaasad cad oo ku aadan ciidamada kasoo goosta ururka Shabaab ee dowladda dagaalka kula jira.

Mahad Cabdalla cawad oo sii hadlay ayaa xusay in la isla gartay qaabkii dowladuu u furi lahayd jidadka xiran iyo goobaha gacanta ku hayso ururka Shabaab ee weli go'doonsan.

Qodobadan, ayaa soo baxay xilli dhawaan kulan albaabadu xirnaa oo labo maalin socday wada qaateen Xildhibaanada Somalia, Ra'isal wasaraha iyo taliyaha nabad sugidda kadib markii ay soo bateen weerarad kooxda Shabaab ka gaysanayso dalka Caasumadda waddanka gaar ahaan goobaha muhiimka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM