Go'aankii lagu fasaxay CC Shakuur oo racfaan laga qaatey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inuu racfaan ka qaaatay go'aankii Maxkamadda gobolka Banaadir ee lagu soo daayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

War kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa lagu xaqiijiyay in Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ay soo saartay Warqadda mudeynta Dacwadda ciqaabta ee lidka ku ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Racfaankan ayaa waxay Xeer ilaalinta qaadatey 23-ka bishan December markii Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku dhawaaqday in wax dembi ah lagu waayay Siyaasigan lagu eedeeyay qaran-dumiska.

Dacwadan waxaa la mudeeyay oo la dhagaysan doonaa maalinta berri ah, oo ay Taariikhdu tahay 27-ka December, saacadu markay tahay 10:00am (Aroornimo).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM