Gobolka Hiiraan oo looga dhawaaqay kacdoon cusub ee ka dhan ah AS

Image

MOQOKORI, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa gaaray magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan isaga oo doonaya inuu abaabulo ciidamada deegaanka si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah AS.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada, isagoo sheegay inay ka adkaan doonaan kooxaha argagixisada ah.

Dhanka kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sheegay in ay xoreyn doonaan deegaanada gobolka Galgaduud, waxa uuna sidoo kale ku booriyay dadka deegaanka in ay ka qeyb qaataan dagaalkaas.

kacdoonkan oo markii 2-aad ka qarxay gobolka Hiiraan ayaa noqonaya kii labaad oo ay sameeyaan beelaha ku dhaqan Hiiraan si ay ula dagaalamaan AS, kacdoonkii 1-aad ayaana horseeday xoreynta dhamaan degmooyinka gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM