Golaha Amaanka ee QM oo Israa’iil iyo XMS ugu baaqay inay gaaraan heshiis xabbad joojin ah

Image
Qaraarka ayaa waxaa taageeray 14 xubnood halka uu Maraykanka ka aamusay.

Qasa (GO) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraarkiisii ​​ugu horreeyay oo ku baaqaya xabad joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza, Ka dib in ka badan shan bilood oo dagaal ah.

Maraykanka ayaa ka aamusay codbixinta ka dib markii uu hor istaagay isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu soo saaro qaraarka, isagoo adeegsanaya diidmada qayaxan.

Qaraarka, oo ay taageereen 14 xubnood, Maraykankana uu ka aamusay wuxuu dalbanayaa xabbad-joojin degdeg ah inta lagu jiro bisha Ramadaan, iyo in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan Maxaabiista.

Maraykanka ayaa adeegsan diidmada qayaxan, taasoo qaraarkan ka dhigaysa go’aankii ugu horreeyay ee xabbad-joojin ah oo Goluhu meel mariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM