Golaha Ammaanka oo shir ka leh warbixin laga gudbiyey Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 15-ka October, 2020 oo ku beegan maalinta berri oo Khamiis ah waxaa u qorsheysan shir xasaasi ah kaasoo ay ka yeelanayaan warbixin laga gudbiyey Soomaaliya.

Warbixintan ay diyaariyeen lix khuburo fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi, waajibaadkooduna yahay dabagalka dhacdooyinka dalka ayaa ku saabsan ku dhex-milanka Al-Shabaab ee nidaamka maaliyada Soomaaliya.

Wadamada xubinta ka ah Golaha Ammaanka oo ah hay'adda ugu sareysa Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa lagu waddaa in ay kulankooda kadib qoraal ay ku caddeynayaan mowqifkooda.

Wargeyska New York Times oo faafiyey nuqul kamid ah warbixintaas ayaa daaha ka rogay in ay maleyshiyada ay heshay tab cusub oo ay malaayiin Doolar-ka Mareykanka ku sameynayaan.

Sidda ku xusan warbixinta, Al-Shabaab ayaa cunaqatabeynta caalamiga ah waxay kaga badbaadey in ay maalgelin ku sameysatay ganacsiyo maxali ah, hanti ma guurto ah iyo la macaamilka bangiyadda gudaha.

Xilli baaritaankooda ku saleysan yahay rasiidho gaaraya 128, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayay wariyeen in mudadii u dhaxeysay December, 2019 illaa August, 2020 ay uruursatay $13 milyan oo Doolar.

Meelaha dakhligan ka yimid, sidda ku cad qormadda, waa $2.4 milyan oo ka soo xarootay jid-gooyooyinka Jubooyinka iyo $5.8 milyan oo kaga timid ganacsi ay canshuureen kana soo degtay dekada Kismaayo.

"Laba bangi oo gacansaar la leh Al-Shabaab – kuwaasoo shirkadaha maraakiibta iyo dulaalada baabuurta kula shaqeeya tafaariiqley ahaan – ayaa uruuriyey $3 milyan oo Doolar," ayuu wargeyska ku daray.

Bangiga maxaliga ah ee Salaama Somali Bank ayay tibaaxeen in lacagahaan qaarkood lagu kala wareejiyey. Maamulka hay'addan wuu iska fogeeyay, wallow uu qiray in ay baareen akoonada dad la tuhmay.

Dowladda Soomaaliya oo ay dharbaaxo ku tahay warbixintan cusub maadaama ay sawireyso fashilkeeda in aysan la socon dhaqdhaqaaqa bangiyada ayaa walaac ka muujisay tabta cusub ee xoogaga hubeysan ay hindisteen.

Qaylo-dhaanta kasoo yeertay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa timid xilli waddanka uu doorasho u dareerayo isla markaana ay jirto cabsi ah in Al-Shabaab ay ku yeelato murashax, iyaddoo adeegsaneysa awoodeeda dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM