Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay go'aamadii Xildhibaanada Awdal

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyeen maanta go’aamo dhowr ah oo ay soo jeediyeen Xildhibaanada baarlamaanka ee metelaya gobolka Awdal. Go'aamadan ayaa ujeedadoodu tahay in lagu xalliyo tabashooyinka kala duwan ee la xiriira dastuurka, awood qaybsiga, mashaariicda horumarineed iyo hababka doorashooyinka ee Somaliland.

Xildhibaanada reer Awdal waxay go’aanadooda ku iftiimiyeen dhawr qodob oo muhiim ah. Qodobadaas ayaa ka mid ah in si degdeg ah wax looga qabto saami-qaybsiga awoodeed, waxayna ku baaqeen in dib u eegis dhab ah lagu sameeyo dastuurka si loo muujiyo mabda’an.

Golaha Wakiiladda ayaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aammadan, taasoo muujinaysa in la isku raacay in wax laga qabto tabashooyinka ka soo yeeray gobolka Awdal.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa loogu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo saami-qaybsiga xukuumadda, isla markaana uu qaado tallaabooyin lagu kordhinayo tirada goobaha codbixinta ee gobolka Awdal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM