Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay go'aamadii Xildhibaanada Awdal

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyeen maanta go’aamo dhowr ah oo ay soo jeediyeen Xildhibaanada baarlamaanka ee metelaya gobolka Awdal. Go'aamadan ayaa ujeedadoodu tahay in lagu xalliyo tabashooyinka kala duwan ee la xiriira dastuurka, awood qaybsiga, mashaariicda horumarineed iyo hababka doorashooyinka ee Somaliland.

Xildhibaanada reer Awdal waxay go’aanadooda ku iftiimiyeen dhawr qodob oo muhiim ah. Qodobadaas ayaa ka mid ah in si degdeg ah wax looga qabto saami-qaybsiga awoodeed, waxayna ku baaqeen in dib u eegis dhab ah lagu sameeyo dastuurka si loo muujiyo mabda’an.

Golaha Wakiiladda ayaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aammadan, taasoo muujinaysa in la isku raacay in wax laga qabto tabashooyinka ka soo yeeray gobolka Awdal.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa loogu baaqay inuu dib u eegis ku sameeyo saami-qaybsiga xukuumadda, isla markaana uu qaado tallaabooyin lagu kordhinayo tirada goobaha codbixinta ee gobolka Awdal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM