Golaha Wasiirada Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Image
Goluhu wuxuu caddeeyay mabda'iisa adag ee uu ku taageerayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jabuuti (GO) - Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa kalfadhigoodii ugu horeeyay yeeshay sanadkii 2024. Shirka oo ay ka qeyb-galeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyay faylalka ka jira Gobolka, oo ay ugu muhiimsan tahay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Goluhu wuxuu caddeeyay mabda'iisa adag ee uu ku taageerayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay inay ka go'an tahay in la sii adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.

Golaha Wasiirada ee Jabuuti ayaa sidoo kale soo jeediyay talooyin ku saabsan in la qaato wadahadalka si looga hortago in uu sii fido khilaafka ka dhax aloosan gobolka oo markii horeba jilicsanaa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyas Dawaleh.

Dowladda Jabuuti ayaa hore usoo saartay war saxaafadeed ay walaac ugu muujinaysay khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Itoobiya.

Jabuuti ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dal in ay wada-hadalaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii colaadda loo dejin lahaa.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM