Golaha Wasiirada oo Muqdisho ku yeelan doona kulan aan Caadi aheyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu imaanaya maanta kulan aan caadi ahayn sida ku xusan ogeysiis xalay loo diray xubnaha golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomin doona kulanka, waxaana inta badan diiradda lagu saari doonaa marxaladda uu dalku marayo, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo howlgallada ka dhanka ah kooxda ‘AS’.

Marka laga soo tago arrimaha amniga, Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka doodi doona arrimo kale duwan oo ay ka mid yihiin xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya iyo howlaha Xukuumadda horyaalla.

Kulankii caadiga ahaa ee ay khamiistii lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xubnaha goluhu si wadajir ah u go’aamiyeen in la taageero ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM