Golaha Wasiirada oo mushaarkoodii bishan ugu deeqay Ciidamada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hogaaminayay shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana goluhu ay soo saareen go’aano dhowr ah.

Golaha ayaa mushaaraadka Wasiirada ugu deeqay ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, waxaana sidoo kale la ansixiyay Hindse-sharciyeed ay soo gudbiyeen wasaaradaha.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa galay marxalad adag tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Cowsweyne oo ay ku dhinteen tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inkastoo maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar garow ugu jiro wajigii labaad, ayaa haddana ciidamada qalabka sida ayaa ilaa haatan ku guuleysan xorreynta deegaanada dhaca bariga Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM