Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed oo isku-shaandheyn lagu sameeyay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta gareen] oo isku shaan-dheyn ku sameeyay golahiisa xukuumada, ayaa eryay wasiiro isagoo magacaabay kuwa kale.

Sidda ku cad wareegtada Laftagareen, Cabdullaahi Warsame Dhoofaan ayaa laga xayuubiyey jagada wasiir ku xigeenka datuurka, halka Cabdullaahi Cabdulle Cabdi laga qaadey xilka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Maxamed Cabdiraxiim Nuur ayaa laga dhigay Wasiirka cusub ee Dastuurka, halka Ilyaas Saciid Cali loo xushay xilka Wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Shamso Sheekh Ibraahim ayaa "loo gartay" Wasiir ku xigeenka haweenka, arrimaha qoyska iyo xuquuqul Isaanka, sidda ku xusan digreetada.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska Lafta-gareen ayaanan lagu caddeynin sababta dhabta ah ee ka dambeysa ama keentay isku shaandheynta.

Mas'uuliyiinta xilalka laga qaadey iyo kuwa cusub ee la magacaabay ayaanan wali ka hadlin talaabadda hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ee xaruntiisa ku meelgaarka ah ay tahay Baydhabo, wallow laga shaqeynayo in uu u wareego caasimadiisa dekada lah ee Baraawe.

WAREEGTADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM