Gollaha Shacabka oo ku gacan-sayray codsiga Xeerilaaliyaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga joogtada ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maant asi rasmi ah ugu gacan-sayray soo jeedinta Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Qoraal uu soo saarey Gudiga ayaa looga hor-yimid soo jeedinta Axmed Cali Daahir ee ahaa in xasaanadda laga qaado Labada Xildhibaan ee kala ah Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Xasan Maclin, kadib markii uu kusoo oogay qiyaanno qaran.

Qaraarka Gudiga joogtada ee ku saabsan xasaanad ka qaadista Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in Xeer Ilaaliyaha dalabkiisa uu yahay mid aan sharci ahayn, islamarkaana aan la aqbali karin maadaama eedaha lasoo jeediyay aan loo haynin cadeymo buuxa.

Axmed Cali Daahir ayaa labada Xildhibaano ku eedeeyay inay sameeyeen qiyaanno-qaran, isagoo sidoo kale sheegay inay wadeen abaabulka mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaanada ayaa iska fogeeyay eedeynta. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM