Wariye Goobdoon oo ku dhintey Muqdishu

Image

MUQDISHU- Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe magalada Muqdisho ku geeriyooday saxafi Cabdi Xaaji Goobdoon oo si weyn looga yaqaan gudaha dalka Somalia.

Cabdi xaaji Goobdoon ayaa shaqada wariye ka bilaabey Idaacada Muqdishu halka bilowgii sideedankii  uu noqdey agaasime guud ee wasaarada Warfaafinta Somalia.

AHN Cabdi Xaaji goobdoon ayaa sidoo kale noqdey wariyaha gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Somalia AHN Maxamad Siyaad Barre.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee dagaalada ka socdeen Somalia gaar ahaan magaalada Muqdishu.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuub Cabdi Xaajo Goobdoon, waxa kale uu sheegay inay ku xun yihiin geeridiisa balse ay muhiim tahay in alle loo baryo inuu u danbi dhaafo.

Suxufiyiinta Somalia ee aqoonta u leh Cabdi Xaaji Goobdoona yaa tacsi ka diray iyagoona muujiyay inuu ka baxay saxaafada macalin rug cadaa ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM