Goobo loo asteeyay doorashada Aqalka Hoose oo la kormeeray

Image
Image
Image
Image
Illaa haatan, lama soo bandhigin waqtiga saxda ah ee ay qabsoomeyso coddeyntan Golah Shacabka.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro ayaa maanta kormeeray xarumaha loo asteeyay in ay ka dhacdo Doorashadda Gollaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Sedax (3) hool ayaa loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka oo wali aan la muddeyn waqtigeeda iyo xarunta laga sugayo Amniga Doorashada inta ay socoto.

Kormeerka waxaa ku wehliyey gudoomiyaha gudiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Yusuf Cabdiqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan gudiyada Doorashooyinka oo maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, 

Gudiyada Doorashooyinka ayaa sidoo kale Kulan la yeeshey odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana lagu war geliyay in dhawaan ay bilaaban doonan Doorashada Gollaha Shacabka ,waxana odayaasha dhaqanka ay kula dar-daarmeen in ay u cadaalad falaan musharaxiinta tartamaya.

Ugu danbayn, gudiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan ayaa kulan is-xogwareysi ah kula yeeshey xaruunta  Amniga Doorashooyinka sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan kuwaas oo hada ku howlan sugida Amniga Doorashooyinka .

Gudoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan (Ciro) ayaa cod dheer wuxuu ku bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey hoolalka iyo sugida Amaanka Doorashada.

Sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan ayuu si adag wuxuu ka codsadey in ay guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed kala shaqeeyaan sugida amniga, ergooyinka iyo goobaha codbixintu ay ka dhacayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 04:43PM

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM