Guddi diyaarinaya dacwad ka dhan ah Farmaajo oo Muqdisho looga dhawaaqay

Image
Guddigan ayaa u xilsaaran baarista falal ay sheegeen in Madaxweynihii hore uu ku lug yeeshay intii uu talada hayay.

Muqdisho, Soomaaliya - Siyaasiyiin iyo masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo horjeestay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ka soo qeyb galayaasha shirka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi u xilsaaran baarista falal ay sheegeen in Madaxweynihii hore uu ku lug yeeshay intii uu talada hayay, ka dibna ay dacwad ka dhan ah uga gudbiyaan Maxkamadda.

Guddigan ayaa waxaa Gudoomin doona Afheyeenkii hore ee Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Hirshabeele Cismaan Barre maxamed, kaas oo sheegay in ay diyaariyeen galka dacwada, isla markaana ay diyaar u yihiin inay u gubiyaan maxkam awood u leh.

Gudoomiyaha hore ee Golaha Wakiilada Hirshabeelle ayaa yiri: “Bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in ay ka digtoonaadaan dhagarta uu maleegay Madaxweyne Farmaajo, guddigana waxaa ka go’an in cid walba oo dano siyaasadeed lagu dhibaateeyay ay garab istaagi doonaan.”

Aasaaska guddigan ayaa yimid ka dib khudbad uu jeediyay madaxweyne Farmaajo oo uga hadlay galka dhameystirka dastuurka iyo khatarta ka dhalan kara, taasoo guddiga ay u arkeen isku day oo dib ugu soo laabanayo saaxada siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM