Guddigii Dastuurka Baarlamanka Soomaaliya oo isbedel lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isbedel lagu sameeyay Guddiga dib u eegista Dasruurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Lix xubnood oo cusub ayaa lagu kordhiyay Guddiga kuwaasi oo ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo tirada xubnaha Guddiga hadda ay noqonayso 16.

Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo gudoomiye u ah Guddiga ayaa shaaciyay in lixda xubnood ee cusub ay wakiillo u yihiin maamul goboleedyada, iyagoo la shaqeyn doono gudiyada dib u eegista Dastuurka.

Guddiga oo xubnood ku yimid qaab doorasho ayaa ka kala yimid Gollaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ka koobnaa 10 xubnood, kuwaasi oo hadda 6 kale lagu soo daray.

16-ka Xubnood ayaa wixii hadda ka dambeeya si wadajir ah uga Shaqeyn doona dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya kaasi oo la doonayo in la dhameystiro kahor doorashada 2020-ka.

5-tii Bishii Maarso, Guddiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo ay ku eedeeyeen inuu afduubay hanaanka dib u eegista Dastuurka iyo kaalintii Guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM